Caruur gaajo ugu dhimatay Buurdhuubo

Gedo(keydmedia) Wararka aynu ka heleyno deegaanka Buurdhuubo oo ka mid ah deegaanada hoostaga gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi saacadihii la soo dhaafay ay seddex caruur ah gaajo darteed ugu geeriyoodeen.
Warar Keydmedia Online
Caruur gaajo  ugu dhimatay Buurdhuubo

Qoysaska caruurtan geeriyootay ayaa kol hore wxay ka soo barakaceen deegaano hoostaga gobalka Bay kuwaasoo ay ka mid yihiin ufurow, qansax dheere iyo Diinsoor, waxaana iminka ay deegaansanayaan hareeraha wabiga Juba ee gobalka Gedo.

Abaarta iyo macluusha ayaa guud ahaan si siman uga jirta gobalada Dalka Soomaaliya, waxaana taasi loo sababeynayaa roobabka oo xiligoodii ka soo raagay.

 www.keydmedia.net