Caruur Cudurka Jadeecada u Geeriyootay

Balcad (KON) - Ilaa iyo Afar Caruur ah ayaa Gobolka Shabellaha dhexe ugu geeriyooday Cudurka Jadeecada oo ka mid ah Cudurada Dilaagaa.
Warar Keydmedia Online
Caruur Cudurka Jadeecada u Geeriyootay

Tuulooyin hoos yimaada Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha dhexe oo ka mid tahay Tuulada Isgooys ayaa waxaa ka jira Cudurkaasi Jadeecada.

Xasan Maxamuud cali oo ka mid ah Odayaasha Tuulada Isgooys oo Balcad hoos tagta ayaa Keydmedia online u sheegay in Ilaa Afar Caruur ah oo aad u da’yar ay Xanuunka Jadeecad u geeriyoodeen.

Waxaa sidoo kale uu sheegay Xasan Maxamuud in Caruur ka badan 20 ay la jiifaan Goobaha Caafimaadka Cudurka Jadeecad.

“Hay’adaha Gar gaarka iyo Dowladda Soomaaliya waxaan ka Codsaneeynaa in nala soo gaaro Gurmad iyo Daawooyin”ayuu yiri Xasan.

Cudurka Jadeecada ayaa sidoo kale waxaa laga soo sheegayaa Tuulooyin Hoos yimaada Jowhar uu Dad ku Dilay.

Keydmedia Online – Xafiiska Muqdisho