Cawad Cashara “ Bari iyo Nugaal waa dhul soomaali ka dhaxeeya”

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Xildhibaan Cawad Axmed Cashara oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah ayaa si kulul ugu dhaliilay maamul Bari iyo Nugaal dhibaatooyinka ay shacabka Soomaaliyeed ugu geestaan deegaanadaasi.
Warar Keydmedia Online
Cawad Cashara “ Bari iyo Nugaal waa dhul soomaali ka dhaxeeya”

“ Gobalada Bari iyo Nugaal waa kuwa ka dhaxeeya ummadda Soomaaliyeed, waxaana la gudboon maamulka halkaasi ka jira in ay joojiyaan dhibaateynta ummadda ku nool halkaasi” sidaa waxaa warbaahinta u sheegay  xildhibaan Casharo.

Qeyla dhaantan ayaa la aaminsanyahay in Casharo ay ka keentay go’aankii Faroole ee ahaa in ragga heyb ahaan ka soo jeeda Gobaladaasi ee ka tirsan dowlada aanay tagi Karin gobaladaasi.

Maamulka Faroole ayaa mudadanba waxaa ka soo baxayay hadalo aan ka fiirsi laheyn kuwaa oo muujinayay xilkasnimo la’aan iyo maamul xumo.

www.keydmedia.net