CC Shakuur “Dalka waxaa laga badbaadiyey dhibaato”

Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa ka mid ah xubnaha sida aadka u mucaarada hanaanka wax ku maamusho dowladda Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
CC Shakuur “Dalka waxaa laga badbaadiyey dhibaato”

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dalka laga badbaadiyey dhibaato weyn oo kusoo wajahneyd.

Shirkiisa jaraa'id ayuu kaga hadlay arrimo u badan marxaladda uu haatan dalka ku sugan yahay.

Waxa uu ugu horreyn CC Shakuur uu soo dhoweeyay ra'iisul wasaaraha magacaaban, isaga oo sheegay iney ka filayaan waxqabad wanaagsan mudada uu dalka ka arimin doono.

Dhinaca kale, waxa uu mudanahan soo hadal qaaday heshiiskii DFS iyo dowlad goboleedyada ka gaareen arrimaha doorashooyinka, wuxuuna sheegay in heshiiskaas dalka ka badbaadiyey dhibaato kusoo socotey.

"Heshiiskii doorashada laga gaaray wuxuu dalka ka badbaadiyey dhibaato kusoo wajahneyd, waan u mahadcelinaynaa cid walbo oo heshiiskan ku lug lahayd" ayuu yiri CC Shakuur.

Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa ka mid ah xubnaha sida aadka u mucaarada hanaanka wax ku maamusho dowladda Farmaajo.

Keydmedia Online

Commenting is not available in this channel entry.