CC Shakuur: DFS iyo Hirshabelle 30 Qof ayeey ku xireen Beledweyne

Cabdirixmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Dowladda federaalka ku dhaliilay siyaasaddeeda Beledweyne, wuxuuna sheegay in DF iyo Maamulka Hirshabelle ay xireen 30 Qof. 

Warar Keydmedia Online
CC Shakuur: DFS iyo Hirshabelle 30 Qof ayeey ku xireen Beledweyne

Hoggaamiyaha xisbiga Wajajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in dowladda federaalka ay shacab aan waxbo galabsan ku xir-xirtay magaalada B/weyne iyada oo adeegsaneysa ciidanka qaranka iyo Itoobiyaan.

Waxa uu sheegay in dadkaan la xiray ay tiro ahaan gaarayana 30 qof, isaga oo tilmaamay in dadkan sababta loo xiray ay tahay iney cabireen dareenkooda ku aaddan sida ay ku diiddan yihiin Hirshabelle.

“Waxaan xog ku haynaa in magaalada Beledweyne lagu xiray 30 ruux oo dhaqdhaqaaqayaal bulsho ah. Waxaan ugu baaqayaa madaxda dawlada Federaalka in ay dadkaas dib loogu soo celiyaan xoriyadooda”

Farmaajo oo dano gaarah ka leh Hirshabelle ayaa isku dayaya in shacabka B/weyne uu si awood ah ku maqooniyo, waxaana uu u adeegsanayaan ciidanka DFS iyo AMISOM.

Arrinta cajiibka ah ayaa waxay tahay in Farmaajo uu Gedo u diray ciidamada qaranka waxaana shacabka Gedo ay ka difaacayaan Jubbaland, halka shacabka B/weyne xoog loogu qoorqabanayo Hirshabelle.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.