CC Shakuur: Farmaajo iyo NISA waxay doorteen waddo qalalaase ah

Farmaajo ayaa qaadaya waddo walbo oo uu u arko in Villa Somalia uu mar kale kusoo noqon karo, sida ay sheegeen Mucaaradka. 

Warar Keydmedia Online
CC Shakuur: Farmaajo iyo NISA waxay doorteen waddo qalalaase ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo iyo sidoo kale NISA in aanay ka quusan muddo kororsiga ay damacsan yihiin, taas oo uu sheegay in ay ka doorteen waddo qalalaase ah.

CC Shakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu sheegay in tani ay caddeyn u tahay guddiga doorashada ee loo magacaabay xubnaha ka tirsan NISA iyo sidoo kale CBB oo uu kala jeedi Cayayaanka Baraha Bulshada oo loo bixiyey dhallinyarada ay dowladda Farmaajo lacagta ku siiso in ay siyaasiyiinta mucaaradka ah ku caayaan baraha bulshada.

"Madaxweyne Farmaajo iyo taliskiisa nabadsugidda weli kama quusan muddo kororsi, sababtoo ah wey ogyihiin in aysan doorasho xalaal ah ku guulaysan karin. Waxey doorteen waddo qalaalase abuur ah oo uu billawgeedu yahay guddi doorasho oo xubno nabadsugid iyo CBB u badan" ayuu yiri CC Shakuur.

Sidoo kale hoggaamiyaha Wadjir oo hadalka sii wata ayaa yiri "Waxey ku tala galeen in ay fursad walba xiisad hor leh ku abuuran, si ay Soomaali u kala doorato tooda ama in lagu kala tago. Soomaali waxey marag ka tahay in 30 sano koox kaligeed xoog keeda ah wax ku meel marsata la waayay, cid kasta oo awood is baddana, masiir xun ayaa u danbeeyey"

Ugu dambeyn, CC Shakuur ayaa sheegay in marnaba aanay dalka ka dhici doonin doorasho been ah oo shaqsi gaar ah qabsado, sidoo kalena halista dalka ay ku wadaan Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay ka badbaadin doonaan.

"Villa Somalia iyo taliska nabadsugidda isbaarooyinka ay doorashada ku horgaynayaa waa kuwo is dabayaala, waase la fahamsanahay. Dalkaan doorasho malxiis iyo marag fur been ah ka socon mayso. Waqtiga iyagaa iska lumiyey, Soomaalina way ka tashan, dalkana halistooda waan ka badbaadsanaynaa Ilaaheey idinkii"

Farmaajo ayaa damacsan in uu dib ugu soo noqdo doorashada la filayo in ay dhacdo Febraayo 2021, wuxuuna guddiga ka dhigtay dhallinyaro "ciyaalka xaafadda ah", sida Keydmedia Online ay shaacisay, kuwaasi oo howlaha doorashooyinka aqoon iyo waayo-aragnimo midna u lahayn.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.