CC Shakuur oo madaxda dowladda talo usoo jeediyay

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa talo usoo jeediyay madaxda dalka, isagoo xasuusiyay in danta qaranka aan laga dhicin ciyaar siyaasadeed

Warar Keydmedia Online
CC Shakuur oo madaxda dowladda talo usoo jeediyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa madaxda dowladda usoo jeediyay in arrinta ku saabsan dacwadda badda ee Soomaaliya aan laga dhigin ciyaar siyaasadeed, loona wajaho si wanaagsan. Hoggaamiyaha ayaa soo dhaweeyay go'aanka maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ee ku aaddan in aan dib loo dhigi karin kiiska muranka badan ee la xiriira Badda la isku haysto.

Madaxda dowladda ayaa horay isugu dayday in ay siyaasadeeyaan kiiskan, sidoo kalena waxay isku dayeen in ay dusha ka saaraan mucaaradka eedda dib udhaca dacwada. Hoggaamiyaha ayaa qoraal kooban uu kusoo qoray boggiisa Facebook ku yiri sidan

"Waxaan soo dhoweynayaa go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ay ku dhageysaneyso dacwadda badda xilligii horay loogu muddeeyey. Waa Alle mahaddii ah in ay meesha ka baxday isku daygii lagu doonayey in mucaaradka lagu eedeeyo dib u dhaca dacwadda. Waxaan ugu baaqayaa madaxda muddo xileedkooda dhammaaday in aysan arrimaha danta qaranka u adeegsadaan ciyaar siyaasadeed" 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.