‘CC Shakuur’ oo Muqdisho kula kulmay James Swan

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta Muqdisho kula kulmay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. James Swan. 

Warar Keydmedia Online
‘CC Shakuur’ oo Muqdisho kula kulmay James Swan

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta gelinkii dambe magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Ergayga gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan heshiiskii doorashada ay dhawaan wada gaareen dowladda iyo dowlad goboleedyada iyo sidii ay Qaramada Midoobay uga qeyb qaadan laheyd dhaqan gelinta heshiiskaas.

”Waxaan galabta kulan wada qaadannay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Soomaaliya u qaabilsan Ambasador James Swan. Waxaan ka wada hadalnay aragtideenna ku aaddan heshiiskii laga gaaray doorashooyinka iyo kaalinta ay QM ka qaadan karto fulinta heshiiska.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhawaanahaan weday kulamo uu la qaadanayo xubno ka tirsan wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo looga arinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorasho dadban, taasoo aan wax badan ka duwaneyn tii 2016, waxaana guud ahaan dalka ka bilaaban doono ololaha loogu jiro Kuraasta xildhibaanadii soo dooran lahaa masuulka ugu Sarreeya dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.