CC Shakuur oo si dadban u weeraray Midowga Musharaxiinta

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal kooban oo uu kusoo qoray boggiisa Facebook wuxuu si dadban u weeraray qaar kamida saaxiibadiisa midowga musharaxiinta.

Warar Keydmedia Online
CC Shakuur oo si dadban u weeraray Midowga Musharaxiinta

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamida golaha ay ku midesysan yihiin midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa sheegay in aan la aqbali karin in shir doorasho lala galo Madaxweyne Farmaajo oo weerar ku qaaday madaxweynayaashii isaga kaga horreeyay xilka, guddoomiyihii baarlamanka iyo xubno musharaxiinta ku jiray oo bannaanbax nabadeed dhigayay.

"Waxaan marna maangal aheyn in shir doorasho lala galo ninkii weeray hotel ay labo Madaxweyne iyo Guddoomiye Baarlamaan hore degganyihiin, weeraray shacab iyo masuuliyiin siyaasadeed oo muddaaharaad nabad ah dhigaya" ayuu yiri hoggaamiyah Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Waxa uu sii raaciyay in ay muhiim tahay in dalka laga badbaadiyo nidaamka Keli-telisnimada ah ee uu wado Farmaajo waxa uuna yiri "In dalka laga badbaadiyo kali-talisnimo iyo natiijadeeda oo ah dirir sokeeye waa masuuliyadda saaran Soomaali oo idil. Haddaba siyaasiyiinta iyo madaxda Dowlad Goboleedyada iyo inta damiirka leh ee diiddan dhaqanka kali talisnimada iyo in dalku dagaal sokeeye dib ugu noqdo, waxey gudanayaan waajib waddani ah iyo mid akhlaaqi ah

CC Shakuur ayaa si dadban u weeraray kulankii xalay muqdisho ku dhex maray qaar kamida midowga musharaxisinta madaxweynaha iyo madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle waxa uuna yiri "Ma habbooneyn in lala kulmo Guudlaawe iyo Qoorqoor iyagoo aan caddeyn mowqif ay ka taagan yihiin weerarradii waxashinimo ee Farmaajo ku qaaday shacabka iyo siyaasiyiinta ay deegaannadooda metelaan. Mana aha in ay u ekaysiiyaan in xaalku caadi yahay, lana cammiro shirka Farmaajo"

Waxa uu xadgudub ku tilmaamay in shir doorasho lala galo ninkii weeraray shacabkii iyo siyaasiyiintii tartanka kala dhaxeeyay "Waa xadgudub kale in Muqdisho oo aan dibadbax nabadeed ka dhici karin la yiraahdo ninkii shacabkeedii iyo ragii la tartami lahaa weeraray ayaa doorasho lagala xaajoonayaa" ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.