CC Shakuur: Reer Hiiraan dowladda oo dano kale leh baa dulmisay

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sheegay in dulmiga ay dowladdu sameysay uu dhib weyn hadda ku hayo shacabka B/weyne.

Warar Keydmedia Online
CC Shakuur: Reer Hiiraan dowladda oo dano kale leh baa dulmisay

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku eedeeyey dowladda Federaalka Soomaaliya in ay dulmisay shacabka gobolka Hiiraan, islamarkaana mas'uul ay ka tahay xiisadda ka jirta magaalada Baladweyne.

Waxa uu sheegay CC Shakuur in dowladda ay dhistay maamul aanu dadka raali ka wada ahayn, balse hoggaanka DFS ay doonayeen iney ku boobaan doorasada 2021.

Reer Hiiraan ayuu sheegay in marka hore ay doonayeen in dib u heshiisiin la sameeyo, kadibna laga shiro aayahay maamulka Hirshabelle, si loo helo maamul dadka u adeega.

Dhinaca kale, CC Shakuur ayaa ugu baaqay hoggaanka DFS iney ka joogsadaan dhibaatada ay ku hayaan shacabka Hiiraan, islamarkaana aqbasho dowldda waxa ay dooneyso.

Maanta, magaalada B/weyne waxaa ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyey ciidanka DFS iyo maleeshiyaad diiddan maamulka Hirshabelle ee dowladdu dhistay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.