CC Warsame “Dowladda Qatar waa inay caddeysaa mowqifkeeda”     

Kadib markii ay xoogeysteen wararka sheegay in dhalinyarada loo qaaday Eritrea lagu qiyaamay in ay shaqaale u noqonayaan dalka Qatar, ayuu hoggaamiyaha Wadajir ugu baaqay in ay ka baxdo aamusnaanta.

Warar Keydmedia Online
CC Warsame “Dowladda Qatar waa inay caddeysaa mowqifkeeda”     

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa Dowladda Qatar ugu baaqay in ay caddeyso mowqifkeeda ku aaddan kiiska dhalinyarada Soomaaliyeed ee loo qaaday Eritrea, kuwaas oo la sheegay in lagu wargaliyay in ay ilaalinayaan Koobka Adduunka ee ‘FIFA World Cup’ ka hor inta aan si khiyaano ah loogu daabulin Casmara.

“Dowladda Qatar waa inay caddeysaa mowqifkeeda, haddii kale waxay qaadan doontaa qeyb ka mid ah mas'uuliyadda dhallinyarada maqan”. Ayuu yiri Warsame.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, qaar ka mid ah waalidiinta ayaa lacag looga qaatay, in caruurtoodu ilaalinayaan Koobka adduunka ee sanadka soo socda ka dhacaya dalka Qatar, ayna ku shaqeyn doonaan mushaar qaali ah, halka sidoo kale xilli habeen ah ay diyaaradda Qatar Airways, dhalinyarada ka daad gureysay caasimadda dalka.

Qaar ka mid ah xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaliya, inta badan siyaasiyiinta Mucaaradka iyo waalidiinta ayaa dhamaantod si isku mid ah ugu codsaday Qatar in ay caddeyso waxa ka jira labada qodob ee kore.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaaq Maxamuud, ayaa hadda ku sugan magaalada Doxa ee dalka Qatar, halka Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sir-doonka Qaranka Fahad Yaasiin uu isla magaaladaas ku wajan yahay saacadaha soo socda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.