CC Warsame: Farmaajo doorasho lala galo ma taallo, waa in la iska kiciyaa

"Farmajo Doorasho lala galo ma taal ee waa inuu dalka xoog ku haystaa ama la iska kiciyaa," ayuu yiri CC Warsame, oo intaasi ku daray in Xildhibaanada laga celiyay Baarlamaanka ujeedkeeda uu yahay inay dhibaato dhacdo.

Warar Keydmedia Online
CC Warsame: Farmaajo doorasho lala galo ma taallo, waa in la iska kiciyaa

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ka dhacaynin doorasho lala galo Farmaajo, isagoo ku baaqay in la iska celiyo kahor inta uusan afgembi ku qabsan xukunka.

"Farmajo Doorasho lala galo ma taal ee waa inuu dalka xoog ku haystaa ama la iska kiciyaa," ayuu yiri CC Warsame, oo intaasi ku daray in Xildhibaanada laga celiyay Baarlamaanka ujeedkeeda uu yahay inay dhibaato dhacdo.

Farmaajo ayaa weeraray 19-kii Febuary Musharixiintii la tartami lahayd, madaxdii ka horeysay ee isaga xukunka ku wareejisay iyo dad dhigayay banaanbax nabdoon oo codkooda ku cabirayay sida ay uga soo horjeedaan dib u dhaca doorashadda dalka.

"Ragii ay talada kala dhaxaysay [Deni iyo Axmed Madoobe] naftooda ayey ku aamini waayeen oo hubkooda ayey la soo degeen, Xalane way degeen. Xigtadiisa iyo saaxibadiina sidaa ayey halyeynimo u arkaan, waana ku taageersan yihiin," ayuu yiri CC Warsame.

Ku dhawaad labo bilood ayuu kursiga ku fadhiyaa si sharci darro ah, mana muuqato tanaasul inuu u sameynayo danta dalka iyo dadka si doorasho wadar-ogol ah, oo si nabdoon ku dhacda loo qabto sanadkan.

Gollaha Shacabka oo maanta kulmaya ayaa laga cabsi qabaa inuu mudo-kordhin u sameeyo Farmaajo, waxaana laga celiyay Xildhibaanadii mucaaradka ee qorshahan kahor tagay sabtidii oo banaanka taagan, iyadoo jidadka gala Villa Somalia Ciidamo lagu daadiyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 5 August 2021 8:46

Derkeeley, waxa ay ka mid tahay degmooyinka la daalaa-dhaca dhibaatada jid la’aanta, nadaafad xumada iyo amni yarida, waxaana sida muuqada loogu sii daray boob iyadoo loo marayo magac dowladeed.