CC Warsame: Farmaajo sharciyad uma haysto inuu Shir qabto

Musharaxa ayaa sheegay in Farmaajo markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka canaan usoo jeedisay uu ku dhawaaqay Shirka.

Warar Keydmedia Online
CC Warsame: Farmaajo sharciyad uma haysto inuu Shir qabto

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax C/raxmaan Cabdishakuur ayaa ka jawaabay war-saxaafadeedka Villa Somalia, ee lagu iclaamiyay shirka arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu CC Warsame ku sheegay in Farmaajo uusan haysan hadda sharciyad ama awood dastuuri ah oo ku qaban karo shir heer qaran, maadaama mudo-xileedkiisa uu dhamaaday Feb 8.

"Waa arrin lagu qoslo in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday si uu isaga dalfiyo fariinta kulul ee uga timid Wasiirka Arrimaha Dibedda Maraykanka, in uu shir uusan sharciyad u haysan isugu waco rag maalmo badan Magaalada dhinac ka joogo," ayuu yiri CC Warsame.

Farmaajo ayaa go'aanka maalin uu furmayo shirka ku dhawaaqay waxyar kadib markii fariin culus uga timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo walaac ka muujiysay ismari-waagga arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.