Farmaajo oo lagu eedeeyay in uu doorashada ku qarinayo dambiyo uu galay

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa tilmaamay in Farmaajo uu rabo in doorashada uu ku qariyo dambiyo dalka uu ka galay.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo lagu eedeeyay in uu doorashada ku qarinayo dambiyo uu galay

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir CC Warsame ayaa ka hadlay warbixintii ka soo baxday Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, ee lagu sheegay in askar Soomaaliyeed ka qeyb qaaten dagaalkii gobolka Tigray.

Warsame ayaa daba-joogay, Warbixin ka soo baxday Ergo uu Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, u saaray ka warbinta xaaladaha gobolka Tigray ee dalka itoobiya, taas oo lagu sheegay in ciidamo Soomaali ah oo tababar u joogay dalka Eritrea loo daabullay dagaalkii sanadkii hore ka qarxay gobolka dhaca waqooyiga waddankaas.Cabdiraxmaan oo Muqdisho ku qabtay Shir Jaraa'id ayaa Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Farmaajo ku eedeeyay in uu dhalinyaro Soomaaliyeed sifo sharci darro ah uu qaaday dibadda, si ay qeyb kaga noqdaan dagaallo sokeeye oo dhamaadkii sanadkii hore ka qaarxay dalka Itoobiya.

Farmaajo ayuu wuxuu ku eedeeyay in uu galay dambiyo dagaal, sidoo kalena uu doonayo inuu qariyo: “Waa dhamaatay xilligii la isku qarinayay daaha gadaashiisa, ama laga dhuumanayay masuuliyadda, waxaan dalbaneynaa in waalidiinta jawaab la siiyo, Dowladuna ka jawaabto su’aalaha ku gadaaman dhalinyaradii loo qaaday dalka Eritrea”. Ayuu yiri CCW.

Baaq uu Warsame u diray RW Rooble

Sidoo kale wuxuu farriin u diray Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda oo lagu wareejiyay mas'uuliyadda doorashada iyo tan amniga, "Waxaan rabaa inuu la kulmo waalidiintaas, waxaana rabnaa inuu jawaab ka bixiyo ciidankaas la qaaday meesha ay jiraan, waxaan ka dooneynaa inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aadddan arrintan, waalidiinta caruurtooda la'na uu garab istaago"

CC Warsame wuxuu farriin u diray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo uu xasuusiyay doorkooda ku aaddan arrintan, waxa uuna yiri "Waxaan ugu baaqayaa madaxda dowlad goboleedyada in ay qaataan mas'uuliyaddooda, waana in madasha wadatashiga qaran ay ka hadashaa arrintan, maadaama dhallinyarada maqan ay yihiin kuwa laga soo qaaday guud ahaan Soomaaliya oo dhan si hoosena loo qaaday dhallinyaradaas!"

Labada aqal ee BJFS, kan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayuu wuxuu ku boorriyay in ay waalidiinta caruurtooda ka maqan ay la saftaan, in guddiyada Baarlamanka ay baaritaan ku dhaqaaqaan lana xisaabtamaan dadka ay khuseyso oo uu ugu horreeyo madaxweydnaha waqtigiisu dhammaaday.

Hadalka Warsame ayaa ku soo aaday xilli ay maanta soo baxday warbixin ku saabsan ciidamo Soomaaliyeed oo ka dagaallamay dalka Itoobiya.

Warbixinta oo kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa lagu xusay in la helay macluumaad muujinaya in askarta Soomaalida laga daad gureeyay xurumihii ay ku tababaranayeen ee ku yaallay Eritrea, lana geeyay agagaarka degaanka Aksum ee Gobolka Tigrayga, halkaas oo dagaallo qaraar ka dhaceen dhamaadkii sanadkii hore.

Warbixintan ayaa lagu xusay in Baaraha Khaaska ee QM soo gaareen warbixin iyo warar sheegaya in ciiddanka Soomaalida ee Tababarka Milliteri ujoogay halkaasi laga qaaday Xeradii Tababarka, lana geeyey Jiidda hore ee Dagaalka ee Gobalka Tigrayga, waxayna Ciiddanka Soomaalida oo ay wehliyeen Milliteriga Eritrea ka gudbeen Xuduudka dalka Itoobiya.

Guddiga QM ugu qaabilsan xuquuqda aadanaha waxaa kale oo uu warbixintiisa ku xusay inuu hayo warar muujinaya inay ciidamadii ka qeyb qaatay dagaalkaasi ee Soomaalida ahaa xilli xaadirkan ku sugan yihiin daafaha magaalladda Aksun ee Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga dalkaasi Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya waxay horey u beenisay in Ciiddanka Tababarka loogu qaaday Eratariya ay ka qeyb qaateen dagaalka ka socda Gobalka Tigreega, iyadoo Guddiga Arrimaha Dibedda iyo Difaaca ee Golaha Shacabka BJFS ay ka codsadeen Madaxweynaha Soomaaliya inuu faahfaahin ka bixiyo Ciiddanka tababarka loogu qaaday Eratariya.

Keydmedia Online ayaa horaantii sanadkaan markii ugu horeysay daabacday Warbixinta. 

KEYDMEIDA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.