CC Warsame “Farmaajo waxaa dhaaftay fursad uu shacabka ku macsalaameeyo”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa yiri "Farmaajo waxaa dhaaftay Fursad uu ku macsalaameeyo shacabka Soomaaliyeed"

Warar Keydmedia Online
CC Warsame “Farmaajo waxaa dhaaftay fursad uu shacabka ku macsalaameeyo”

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa xalay saqdii dhexe ujeediyay Khudbad uu kula hadlayay Shacabka Soomaaliyeed taasoo uu uga warbixinayay xaaladda dalka iyo go'aan kiisii muddo kororsiga waxa iska baddalay. Khudbaddiisa ayuu ku dhaleeceeyay siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo hor jeeda.

CC Warsame ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu aflagaaddeeyay siyaasiyiinta ka aragtida duwan, waxaa kale uu eed dusha kaga tuuray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mursal iyo 54 xildhibaan oo qeyb ka ahaa muddo kordhinta.

CC Warsame ayaa yiri "Farmaajo xalay fursad uu shacabka Soomaaliyeed ku macsalaameeyo ayaa dhaaftay. Hadalkiisu micno yari, aflagaaddo iyo ixtiraam la’aan ayuu isugu jiray. Waa nin shirqool horleh la soo maleegaya Mursal iyo 54-tii xildhibaan ee muddo kordhinta xaaraanta ah kala shaqeysay. 

Waa kala goyskii isaga iyo Mursal ay Kheyre ku shirqooleen. Xilliga iyo xaalkuba waa kala beddelan yahay, laakiin waallida kalitalisnimo ee Farmaajo mid dhaqanta maaha. Waxaan uga digaynaa 54ta xildhibaan ee Sabtiga la balamiyey in aysan fidno kale ka sii shaqaynin. Rooble waa in uu tillaabada la hormaraa oo uu hoggaanka qaataa, casuumadda shirka fidiyaa, oo uu saamileyda ballaariyaa, ciidanka kala qaybsanna isku soo celiyaa, amniga dalka iyo doorashooyinka la wareegaa, dawlad Goboleedyada garabka ku qabtaa, taageerada beesha caalamka kasbadaa. Go’aan sax oo aan xilligiisa laga daahin ayaa laga rabaa."

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].