CC Warsame “Farmaajo wuxuu rabaa inuu sameeyo Isqarxis Siyaasadeed”

Hoggaamiyaha mayalka adag ee mucaaradka ah, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay inuu doonayo Is-qarxis siyaasadeed xilli lagu jiro kala guur. 

Warar Keydmedia Online
CC Warsame “Farmaajo wuxuu rabaa inuu sameeyo Isqarxis Siyaasadeed”

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamida mucaaradka ugu cad-cad ee diiddan nidaamka Farmaajo ayaa farriin culus u diray waxa uuna yiri "Farmaajo waxaa ka go’an in uu hor istaago wadda kasta oo lagu gaari karo doorasho wadar-oggol ah oo si nabad ah ku dhacda. Wuxuu doonayaa in Golaha Shacabka oo muddo xileedkiisii dhammaaday, Aqalkii Sare na ka maqan yahay uu muddo kordhin sharci dari ah u sameeyo. Wuxuu kaloo ogyahay in Dowlad Goboleedyada, mucaaradka iyo Beesha Caalamka aysan aqabali doonin"

Rabitaanka Farmaajo ee muddo kororsiga ayuu ku tilmaamay Is-qarxis siyaasadeed, waxa uuna yiri "Farmaajo wuxuu rabaa in uu is qarxis siyaasadeed sameeyo, inta la jaalka ahna labo far u taago, i taageera oo isla kay qarxiya ama i diida oo Dowlad Goboleedyada iga soo horjeeda, Aqalka sare, mucaaradka iyo ajnabiga raaca oo na kala wada"

Saaxiibada gaarka ah ee Farmaajo ayuu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa maraya imtixaanka adag ee xilligan, waxa uuna yiri "Maanta imtixaanka ugu adag waxaa wajahaya Farmaajo saaxiibbadiis oo ay hortaallo kala doorasho ah in in ay Farmaajo isla miidaamiyaan, ama ay gacanta qabtaan oo isaga, iyaga iyo dalkaba badbaadiyaan oo ay doorasho loo dhanyahay oo si nabad ah ku dhacda ogolaysiiyaan"

Hoggaamiye CC Warsame waxa uu si gaara ugu mahad celiayay qaar kamida mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS ee sii caddeeyay mowqifkooda iyo inta diidan damaca Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.