CC Warsame “Guddiga waa billawga fulinta heshiiska doorashada”

Hoggaamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa yiri "Guddiga waa billawga fulinta heshiiska doorashada, ee ma aha dhammaadkii."

Warar Keydmedia Online
CC Warsame “Guddiga waa billawga fulinta heshiiska doorashada”

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiga kaliya ee ka tirsan midowga musharaxiinta ee diiday dib-u-habeynta ay sheegeen xubnaha guddiga uu RW Rooble magacaabay waa hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxa uu meesha ka saaray waxa ay ugu yeereen in dib-u-habeyn lagu sameeyay guddiga, waxa uuna ku cel-celiyay in aan la aqbali karin arrinta 34 xubnood oo kaliya laga reebay xubnihii guddiga doorashooyinka ee lagu muransanaa.

"In ka badan lix bil ayey Dowladda Federaalka ah inkarsaneyd in guddiyada doorashooyinka ay ku jiraan nabadsugid, shaqaale rayid ah iyo taageerayaal Madaxweynaha xilligiisa dhammaaday. Maanta waxay qirsanyihiin 34 ka mid ah oo seddaxda qaanad ku kala jira, in aysan soo buuxinin shuruudihii heshiiska doorashooyinka. Waa tilaabo horumar leh.

Laakiin hindisihii kooxda N&N ee guddiyada doorashada 20% ayaa kashifantay, waxayna qorsheynayaan in ka soo kabtaan oo ay 34 ta xubnood ku soo bedeshaan kuwo kale, maadaama uusan jirin habraac heshiis lagu yahay oo lagu turxaan bixiyey xubnaha guddiga laga saaray iyo kuwa lagu soo beddeli doono intaba" ayuu yiri hoggaamiye Warsame

Waxa uu sii raaciyay isagoo qeexaya fulinta heshiiska halka uu ka billaabanayo "Tan kale, Guddiga waa billawga fulinta heshiiska doorashada, ee ma aha dhammaadkii. Waxaa dhiman waddo dheer oo ay caqabado badan ku horgudban yihiin.

Haddii aan habraaca (process) -ka maanta la sixin, waxa imaaneysa in berri laga shallaayo, waxaana dhici doonta in dad maanta faysteynaya la arko iyagoo beri qaylinaya. Ma aha in lagu kadsoomo ballanqaadyada afka baarkiisa ah iyo wirwirka dhalanteedka ah.

Waxaan u taagannahay in lagu dhabar adaygo sidii lagu heli lahaa habraac daahfuran oo hehiiska doorashada lagu meelmariyo, lagana digtoonaado in Farmaajo faro kale doorashada ku musuqmaasuqo" ayuu kusoo gabagabeeyo qoraalkiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.