CC Warsame oo bulshada ugu baaqay in la is tallaalo

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta qaatay Tallaalkii kahor tagga Caabuqa Covid-19 ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay is tallaalaan

Warar Keydmedia Online
CC Warsame oo bulshada ugu baaqay in la is tallaalo

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qaatay maanta cirbadda tallaalka kahor-tagga Caabuqa Covid-19 waxa uuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qaataan tallaalka, si ay uga badbaadaan xanuunka adduunka oo dhan saameeyay guud ahaan, gaar ahaan waddankeena oo ay dad badani udhinteen.

Tallaalka Cudura Covid-19 ayaa soo gaaray Soomaaliya toddobaadkii hore, waxaana cirbadda tallaalka qaatay sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr. Fowsiya Abiikar oo noqotay qofkii ugu horreeyay ee qaata tallaalka kahor tagga caabuqa Covid-19 ee Soomaaliya.

Soo laba-kacleynta caabuqa Covid-19 waxa uu sababay dhimashada dad badan oo kamida kuwa nugul ee xanuunka halista ugu jiray, waxaana in badan laga dareemay goobaha Isbitaalada bukaano badan oo ka cabanaya in ay isaga shakiyeen xanuunka maadaama ay isku arkeen tilmaamaha Covid-19.

Hoggaamiye CC Warsame ayaa yiri "Waxaan maanta qaatay talaalka ka hortagga fayriska Covid19. Waxaa mudnaanta talaalka leh bahda caafimaadka, dadka nugul iyo kuwa da’da ah. Waxaan u qaatay in aan shacabka ku dhiirragelino qaadashada talaalka. Waxaan u mahadcelinayaa Bahda cusbitalka Dr Sumait iyo hawlwadeenka wasaarada Caafimaadka."

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.