CC Warsame oo dowladda Turkiga codsi u jeediyay

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dowladda Turkiga ka codsaday in ay u caddeeyaan mowqifkooda ku aaddan ciidamada Gorgor ee ay tababartay

Warar Keydmedia Online
CC Warsame oo dowladda Turkiga codsi u jeediyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir CC Warsame oo ka hadlayay weerarradii lagu soo qaaday isaga iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in ciidamada Gorgor loo adeegsaday duullankaasi.

Waxa uu dowladda Turkiga ku wargaliyay in ciidamada ay soo tababareen ee Gorgor ay qeyb ka qaateen duullaankii shalay iyo xalay ka dhacay caasimadda Muqdisho, waxa uuna yiri "Ciidamada Gorgor oo ay tababbarteen, maalgeliyeen & hubeeyeen Dowladda Turkiga ayaa madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday u adeegsaday la dagaallanka siyaasiyiinta mucaaradka & caburinta shacabka Soomaaliyeed."

Warsame ayaa codsi u diray dowladda Turkiga, waxa uuna ka dalbaday in la caddeeyo mowqifkooda ku aaddan ciidamada ay Soomaaliya u tababareen ee loo adeegsanayo weerarrada Siyaasiyiinta, waxa uuna sii raaciyay "Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya waa inay shacabka Soomaaliyeed u cadeysaa mowqifkeeda ku aadan ciidamadan"

Hoggaamiyaha ayaa bartiisa Twitter -ka ku daabacy qoraalkan:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.