Farmaajo oo lagu eedeeyay inuu hor istaagay hormarinta dekedda Berbera

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa dadka dib u xasuusiyay in Kooxda Farmaajo hoggaamiyo ay hore u diideen hormarinta dekedda Berbera.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo lagu eedeeyay inuu hor istaagay hormarinta dekedda Berbera

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa Maamulka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ku eedeeyay in ay ka hor yimaadeen dib u dhiska dekedda magaalada Berbera, taas oo maanta la soo gabagabeeyay wejiga koowaad ee mashruuca ballaadhinteeda.

“Farmaajo iyo xukuumaddiisaba waxay ka hor yimaadeen ballaarinta Dekadda Berbera, iyagoo halhayskoodu ahaa waa damac shisheeye”.  Ayuu yiri Warsame.

Hoggaamiya Wadajir, oo ka mid ah shaqsiyaad fara ku tiris ahaa, oo xilligaa sheegay in Dowaladda Fadaraalka aysan ka fiirsan go’aankeeda dekedda Berbera, ayaa tilmaamay in “Horumarinta kaabe dhaqaale ee Soomaali leedahay uusan dowlad Soomaaliyeed dhib ku ahayn”.

Wuxuu layaab ku tilmaamay in masuuliyiin Itoobiyaan ah ay goobjoog ka ahaayeen xafladdii furitaanka dekadda ee maanta la qabtay, isla-markaana ay Farmaajo iyo kooxdiisu kaliya ku faanayaan in ay dalka kheyraadkiisii sun ku soo badaleen.

“Wasiirradii Itoobiya ayaa daahfurkii ballaarinta Dekadda Berbera u jooga, Farmaajo iyo xukuumaddiisana waxay la gole yimaadeen; qaad ayaan kalluun ku beddelannay”. Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dowladda Fadaraalka ayaa Saddex sano ka hor sharci darro ku tilmaantay heshiiska Dekadda Berbera ee u dhaxeeya Soomaliland iyo shirkadda DP World, halka Baarlamaanka Soomaaliya uu 12 Maarso 2018, si buuxda u diiday heshiiskaas, inkastoo Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo uusan wali saxiixin.

Dowladda Fadaraalka ayaa u muuqata in ay ka qoomameyneyso go’aankii hore, war lagu qoray caawa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Khudbad ka jeediyey xadhig ka jarka Mashaariicdaas ayaa sheegay in Dekedda Berbera ay maanta la jaanqaadayso Dekedaha waaweyn ee adduunka Wuxuu Madaxweynuhu u mahadceliyey Shirkadda DP World ee gacanta ku haysa Dekedda Berbera”.

Xiriirka ka dhaxeeyay Kooxda Farmaajo iyo dalka Imaaraadka oo laga leeyahay DP World, oo xumaaday ayaa sababtay in DF ay geeska galiso heshiiska dekadda Berbera, taas oo layaab ku noqotay Soomaalida.

KEYDMEDIA ONLINE   

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.