CC Warsame oo farriin u diray Farmaajo

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa tilmaamay sifooyin uu leeyahay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo, farriina udiray

Warar Keydmedia Online
CC Warsame oo farriin u diray Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal kooban oo uu maanta bartiisa Facebook soo dhigay wuxuu bixiyay tilmaamo cajiib ah kuwaasoo uu leeyahay Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday Maxamad Farmaajo. Talooyinkan ayuu bixiyay:

“Farmaajo oo ay maanta bil sharci dari ah u buuxsan tay ayaa doonaya in uu nolol siyaasadeed ka raadiyo xilkasnimada iyo biseylka shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah. Mar  walba wuxuu ku kacaa daandaansi gacan ka hadal ah, si looga jawaabo mid tiisa la mid ah. 

Ma aha nin u turaya taariikh hore, sababtoo ah dadaal kama soo gelin dib u dhiska dalka iyo dib u heshiisiinta dadka. Rajo kama laha in uu reebo raad wanaagsan, sababtuna waa in uusan qaban hawl wanaagsan oo uu beri ku faani karo. Wuxuu doonayaa in uu na kala doorransiiyo diktatooriyadiisa ama dirir sokeeye

Wuxuu abuurtay shabakad danaystayaal ah oo u adeegta, kuwaasoo dadka iyo dalka u naxaynin. Waxaan ku diidaynaa is xakamayn, siyaasad xilkasnimo leh iyo iskacaabbin madani ah, waana hubaal in maalmaha u harsan ay tirsanyihiin” ayuu yiri Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.

Waxa uuna sii raaciyay "Qoraalka oo koobnaa ayaa 8 farriin oo culus xambaarsanaa.

1- Madaxweyha waqtigiisa dhamaaday muddo bil ah sharci darro ku joogo Viila Soomaaliya. 

2-  in Shacabka Muqdisho iyo siyaasiyiintoodaba u bisil yihiin siyaasadda iyo Dowladdmimada.

3.  In Farmaajo doonayo in uu dagaal geloyo dalka, hasayeeshee Musharaxiintu ka war-wareegayaan dagaalka .

4. In Farmaajo yahay qof aan waxba ku darsan geedi socodka dhismaha nabada iyo dawladnimada Somaaliya.

5. In Farmaajo intii uu xilka hayey uusan wax la taaban karo ku soo kordhin dowladninimadda, sidaa darteedna uusan kala jeclayn waxa dhaca.

6. In Farmaajo doonayo in uu dadka reer Muqdisho ku cabsi geliyo dagaal sugeeyey, ama ay xukunka u daayaan.

7. Inuu sameeystay ciidan iyo siyaasiyiin calooshood u shaqaystayaal oo isaga u adeega.

8. Wuxuu hoosta ka xariiqay in marnaba Midoowga Musharaxiintu dagaal oggolaan doonin, isna xakameeynayaan, si nabad  iyo siyaasad xikmadaysan ay uga guulaysan doonaa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.