CC Warsame oo ka hadlay Heshiiskii Decale

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kooban sharraxaad uga bjxiyay aragtidiisa ku aaddan Heshiiskii Decale oo dadka qaar ay ufasirteen in la wiiqay awooddii midowga Musharaxiinta.

Warar Keydmedia Online
CC Warsame oo ka hadlay Heshiiskii Decale

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee aad u diiddan siyaasadda Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Farmaajo ayaa si kooban sharraxaad uga bixiyay nuxurka ku jira Heshiiskii Decale ku dhex maray Xukuumadda Soomaaliya oo ay la socdaan Madaxda Galmudug, Hirshabeelle & Gobolka Benaadir iyo Midowga Musharaxiinta.

"Dad badan ayaa u arkayey in mudaaharaadku macno badan lahayn, ama uusan wax wayn goyn karin, sababtoo ah dhaqankeena awoodda qalafsan (hard power) ayaa ku xooggan. Iminkase waxaa dad badan u caddaatay in mudaaharaadku yahay awood dabacsan (Soft Power) oo xisaabta siyaasadeed wax wayn ka bedeli karta. Tani waa guul shacabka u soo hoyatay, mar haddii ay arkeen in dibadbaxyadu saamayn togan yeelan karaan. 

Heshiiska shalay ee Decale lagu gaaray wuxuu billow u ahaa fulinta shuruudo ay dhigeen siimilay siyaasadeed uu Midowga Murashaxiinta ka mid yahay si loo helo doorasho daahfurnaan leh, loona dhan yahay, waxaase weli u harsan dhammaystir,  oo ay ugu horrayso amniga doorashooyinka, furista masaaxada siyaasadda, iyo cida hoggaaaminaysa doorashooyinka.

Mudaaharaadkii ay ku baaqeen Midowgu waa sidiisii. Haddii awoodii diidanayd ay ogolaatay, laakiin in waqti la siiyo ay codsatay, ayuu Midowgu door biday in loo gogol badiyo si loo baajiyo dhib laga yaabo in uu dhici lahaa. Waxaa muhiim ah in hoosta laga xariiqo halista uu hoggaanka Midowgu u bareerayo ma aha mid uu damac siyaasadeed ku doonayo ama ku wada gaarayo, sababtoo ah si taas ka sahlan ayaa xil siyaasadeed lagu heli karaa. 

Hoggaanka midowga iyo dibadbaxayaashuba waxay halista ugu bareerayaan kana go’an in shacabku xor u noqdo ra’yigiisa iyo cabbirkiisa siyaasadeed. Haddii miiska wadahadlka lagu xaqiijin karo in ay dadku xor u yihiin muujinta ra’yigooda siyaasadeed iyo tabashooyinka ay qabaan dibadbaxyo nabadeed, taageeri karaanna hoggaamiyihii ay doonaan mucaarad iyo muxaafad intaba waa guul wayn. 

In tartanka siyaasadeed uu jawi nabadoon oo madani ah ku dhaco, siyaasaddana askaraynta iyo awood sheegadka laga saaro waa guul shacabka u soo hoyatay. Guusha waa in la wada ilaaliyo, sababtoo ah waa dan qaran oo aysan  cidina gaar u lahayn." ayuu bartiisa Facebook -ga kula wadaagay bulshada ku xiran Hoggaamiye CC Warsame.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.