Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo ee ka dhici doona Garowe, waxa uuna ku macneeyay in ujeeddooyin gaar laga leeyahay
MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay ujeedada shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo ee lagu wado in uu ka qabsoomo 15-ka Bishan magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.
Hoggaamiye Cabdiraxmaan ayaa faallo kooban ka bixiyay nuxurka shirka Garowe ee la isugu yeeray madaxda dowladda Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Benaadir, waxa uuna bartiisa gaarka ah ee Facebook uu ku leeyahay kusoo qoray sidan:
"Shirka uu Madaxweynihii hore Farmaajo soo tuuray, koox ka mid ah beesha caalamkana la wadaan wuxuu ku doonayaa:-
Waxaanse rajaynayaa in Puntland ay fahmi karto fitnada Farmaajo, diktatoor dhacayna fursad siin doonin"
Hoggaamiyaha iyo golihiisa midowga musharaxiinta ayaa horay usoo saaray baaq ay udirayaan bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka kaasoo ay ku caddeynayaan mowqifkooda ku aadan xil haynta Farmaajo, iyo inu Villa Somalia kasii taliyo, iyagoo horay ugu tilmaamay inuu lamid yahay qof inqilaab ku jooga xafiiska ugu sarreeya dalka.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments