CC Warsame oo markii labaad lagu casuumay Villa Somalia

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa markiisii labaad lagu casuumay Villa Somalia tan intii la magacaabay RW Rooble

Warar Keydmedia Online
CC Warsame oo markii labaad lagu casuumay Villa Somalia

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa lagu qaabilay Villa Somalia, isagoo halkaasi kulan kula qaatay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble

Labada mas'uul ayaa waxay ka wada hadleen tabashada doorashooyinka ee la xariira guddiyada, arrinta Somaliland iyo Gedo. RW Rooble ayaa wuxuu balanqaaday in uu xalin doono tabashooyinka iyo xaqiijinta doorasho si nabad ah oo daahfurnaan leh ku dhacda.

Waxay kalooo ka wada hadleen labada mas'uul xorriyada ololaha doorashooyinka oo ay ka mid yihiin kulamada dadwaynaha iyo dibadbaxyada, si wadajir ahna looga shaqeeyo xasiloonida dalka.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir CC Warsame oo inta badan dhaliila dowladda Farmaajo ayaa waxa markiisii labaad lagu casuumay gudaha Villa Somalia tan iyo wixii ka dambeeyay magacaabistii RW Rooble ee November 2020. Hoggaamiyaha ayaa aaminsan in ay colaadiyeen madaxda dowladda isagoo inta badan dowladda ku dhaliila falkii ay doonayeen in ay ku khaarajiyaan Hoggaamiyah Xisbiga Wadajir oo la weeraray xarunta xisbiga uu daggan yahay ee ku taal magaalada Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.