CC Warsame oo shaaciyay 2 fikradood oo ragaadiyay dalka

Hogaamiyaha Wadajir ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayso labo caqabadood oo ka dhashay fekerka xagjirka ah.

Warar Keydmedia Online
CC Warsame oo shaaciyay 2 fikradood oo ragaadiyay dalka

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa sheegay in labo fikradood oo xagjir ah ay ragaadiyeen dalka Soomaaliya oo colaado iyo kala qeybsanaan kusoo jiray mudo 30 sano ah.

"Dalkeenna laba fikradood oo xagjir ah ayaa ragaadiyey. Kaligii Islaam iyo kaligii Waddani," ayuu CC Warsame ku yiri qoraal kooban oo Maanta uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in labaddan dhibaato ay magac dileen Diinta iyo Dalka, oo shaqsiyaad dano gaar ah leh umadda masiirkooda afduubay, iyadoo taasoo ka dhalatay dib u dhac iyo inaysan Soomaaliya horey u socon.

Kiligii wadani oo ula jeedo Farmaajo oo afartii sano ee xukunka uu haystay qofkasta oo fekerkiisa kasoo horjeeda ku tilmaamayay qaran-dumis, iyo sofooyin kale oo aan wanaagsanayn, oo ay kamid tahay dowlad-diid.

Farmaajo xukunka ma rabin inuu ka dego, wuxuu maanka ku hayay inay u soconayso fekerkii uu kusoo barbaaray ee Siyaad Barre, oo naasnuujinta u sameeyay dadkiisa Mareexeen, oo isagana kamid ahaa mudadii 21-ka sano ee taliskiisu jiray.

Kaligii Islaam, waa Al-Shabaab oo cid kasta oo aan dhinaceeda ahayn ay u aragto Gaal, diinta Islaamka ka baxay, fekerkaas oo ah mid khatar ah oo dad badan Kooxda ay ku laysay gudaha dalka Soomaaliya 13-kii sano ee lasoo dhaafay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.