Warsame oo dhaliilay go’aanka RW Rooble

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wax-kama jiraan ku tilmaamay natiijada ay soo saareen guddiga uu RW Rooble u magacaabay tuxaan bixinta xubnaha guddiga doorashooyinka.

Warar Keydmedia Online
Warsame oo dhaliilay go’aanka RW Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir CC Warsame dhaliilay habka turxaabinta guddiyada doorashada, asigoo su'aallo ka keenay hannaanka loo maray turxaan-bixinta xubnaha.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in hannaanka loo matau turxaanbixinta guddigaan cusub, uusan ka duwanayn habkii hore loo magacaabay, asigooo bartiisa Facebook ku qoray: "Hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed kama duwana habkii loo magacaabay".

Warsame ayaa sheegay in guddiyadda ay wali ku jiraan saraakiil ka tirsan Hay'adda NISA, wuxuuna dhaliilay go'aanka kasoo baxay guddiga uu magacaabay RW: "Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay. "

"Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta. Mana cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha." Ayuu qoray Warsame. 

"Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa (Undercover) ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan"

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa Ra'isul Wasaare Rooble ugu baaqay in uu tabashooyinka uu u maro "waddo sax ah oo daahfuran", wuxuuna kula taliyay Rooble in uu muujiyo hufnaanta iyo dhexdhexaadnimadda uu balanqaaday. 

Kaddib cashadii laga keenay guddiyadii doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed, waxaa ugu dambeyn laga saaray 34 xubnood oo kamida kuwii magacyadooda lasoo gudbiyay RW Rooble. 

Guddigan oo ka koobnaa wasiirro ka tirsan xukuumadda RW Rooble ayaa horay loogu soo gudbiyay 67 xubnood oo cabasho laga keenay kuwaasoo isugu jiray Ciidan dhar-cad ah oo ka tirsan NISA, shaqaalaha xafiisyada madaxtooyada iyo kan Ra'iisul Wasaaraha.

Xafiiska RW Rooble wali jawaab kama bixin dhaliisha mucaaradka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.