CC Warsame oo weerar ku qaaday Madaxda DG qaar

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynayaasha dowlad goboleedyada difaaca u ah Farmaajo

Warar Keydmedia Online
CC Warsame oo weerar ku qaaday Madaxda DG qaar

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa weeraray madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed isagoo ku tilmaamay in ay gaashaan u yihiin madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo.

Hoggaamiye CC Warsame ayaa yiri "Farmaajo isaga oo aan afka kala qaadin ayaa rag ka soo horeeya u doodayaan, iyagoo leh:-

  • Looma baahna in laga hadlo muddo xileedka dhamaaday ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha
  • Maxaa looga baahan yahay in looga hadlo weerarkii habeenkii iyo subixii 19 Febraayo dhacay.
  • Looma baahna in Midowga Murashaxiinta iyo Wakiilada Somaliland doodda ay qabaan laga dhagaysto
  • Looma baahna in damaanad loo helo fulinta heshiiska."

"Taasoo ka dhigan in la galo doorasho uu Farmaajo murashaxiinta la tartamaysa weerari karo, xildhibaanka uu diidan yahay Baarlamaanka ka xiran karo, Madaxweyne Dawlad Goboleedna uusan Muqdisho si nabad ah murashaxii uu doono ugu ololayn karin" CC Warsame ayaa intaas raaciyay.

Hoggaamiye Shakuur ayaa tilmaamay in lakala dooransiinayo muddo kororsi iyo doorasho awood ciidan loo adeegsado, waxa uuna ugu dambeyntii yiri "Waxaa nala kala dooransiinayaa Muddo kororsi mise doorasho qorayga caaradiisa ah"

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 2 December 2021 7:34

Nabaddoon Cali Jeesto, ayaa sheegay in xitaa loo diiday inuu u safro Dhuusamareeb, lana hor istaagay socdaalkiisa xilli uu doonayay inuu ka ambabaxo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.