CC Warsame “Tareenkii Farmaajo wuxuu soo gaaray Boosteejadii Muddo kororsiga”

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa yiri "Tareenkii Farmaajo wuxuu soo gaaray boosteejadii (Station) muddo kororsiga"

Warar Keydmedia Online
CC Warsame “Tareenkii Farmaajo wuxuu soo gaaray Boosteejadii Muddo kororsiga”

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhaliila siyaasadda madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa ka hadlay qorshaha xiga ee uu ku dhaqaaqi doono madaxweynaha mar haddii uu soo xiray shirkii horudhaca ahaa ee Teendhada Afisiyooni kaasoo lagu kala tagay natiijo la'aan!

"Tareenkii Farmaajo wuxuu soo gaaray boosteejadii (Station) muddo kororsiga ee muddaba laga digayey. Afar sano oo kali talisnimo ah ayuu maanta uga xuubsiibanayaa hoggaamiye kooxeednimo. Kama masiir duwanaan doono dagaal ogaayaashii dalka soo maray, sababtoo ah awooddu hub iyo ciidan maaha, iyagaaba ka ciidan iyo hub badnaa, qaar ka mid ahna gobolo badan ayey ka talinayeen. Awoodu waa sharciyada ku siinaysa aqoonsi gudaha iyo debada ah" ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Shacabka ayuu u sheegay in aysan suurta gal ahayn damacaas uu ku haminayo Farmaajo, wuxuuna sii raaciyay in uu weyn doono dad badan oo u gurbaan tumaya fowdada uu aabaha u yahay Farmaajo, waxa uuna yiri "Waxaan shacbka ugu bishaaraynayaa in uusan hankiisu hirgeli doonin. Dadka isagaa u tabar yar, sababtoo ah hubanti la’aan ayuu ku noolaan doonaa, kuwa haatan u heesayana midba subax ayuu ka dhaqaaqi doonaa."

Waxa uu umadda Soomaaliyeed la wadaagay waxa la gudboon ee laga doonayo, iyo waddooyinka ay tahay in la qaado si wada jir ah, waxa uuna hadalkiisa ku soo gabagabeeyay "Keliya waxaa nalaka doonayaa in aan halista isku si u aragno, dulmiga iyo dullaysiga wada diidno. Taasina waxay ku imaan kartaa in aan abaabulkeena xoojino, tilaabooyinka aan qaadaynana noqdaan kuwo qiyaasan oo aan gaabisna ahayn degdegna ku jirin, si abeesada luqanta nooga duuban isaga bixino."

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].