CC Warsame: Waa xilligii la iska qaban lahaa Kali-talis Farmaajo

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Farmaajo ku eedeeyay in dalka galiyay xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni-ba, wuxuuna ku tilmaamay Kali-talis aan damqasho lahayn.

Warar Keydmedia Online
CC Warsame: Waa xilligii la iska qaban lahaa Kali-talis Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo ku eedeeyay baaqashada Mudaharaaadkii loo madlanaa Sabtiga iyo wadahadalladii fashilmay ee RW Rooble la lahaa Mucaaaradka.

Warsame, oo la hadlayay dad ku sugan Xarunta Xisbigiisa ayaa sheegay in Farmaajo amray in la xiro oo ciidamo la dhoobo goobihii la qorsheeyay inuu ka dhaco Mudaharaadka, isla markaana uu diidan yahay in dadku ra’yigooda cabbiraan.

Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Roobble ‘Rogane’ ayuu ku tilmaamay shaqsi aan go’aan qaadasho lahayn oo Farmajo gadaal kaga dhagan yahay, wax kastana loo yeeriyo.

Wuxuu xaqiijiyay in ay Rooble Rogane kala hadleen inuu qaato doorkiisa xilliga kala guurka ah, hayeeshee ay Mucaaradka u caddaatay in Farmaajo uu yahay wali qofka gaara go’aanada uu fuliyo Rooble.

CC Warsame, wuxuu caddeeyay in Golaha Midowga Mushariintu ku heshiiyeen in Mudaharaadka soo socda ay amnigooda sugtaan oo aysan cidna ku halayn doonin.

Wuxuu aad ugu celceliyay in la joogo xilligii la iska qaban lahaa Kaligii taliska, waqtiga bannaan-baxa soo socda la qabanayo ayuuna sheegay in Goluhuu uu dhawaan shaacin doono.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.