Cumar Sharmarke oo shaki ka muujiyay Heshiiska 3 - geesoodka ah

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ayaa shaki ka muujiyay heshiiska amni ee 3 - geesoodka ah ee udhaxeeya Soomaaliya, Itoobiya iyo Eratariya.

Warar Keydmedia Online
Cumar Sharmarke oo shaki ka muujiyay Heshiiska 3 - geesoodka ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa shaki weyn ka muujiyay heshiiska amni ee udhaxeeya Soomaaliya, Itoobiya iyo Eratariya, kaasoo uu ku tilmaamay in uu khatar yahay, loona baahan yahay in laga feejignaado.

CCC Sharma'arke oo bartiisa gaarka ah kusoo qoray farriintan ayaa yiri "Heshiiska amni / Difaac ee lagu xamanayo una dhaxeeya Ereteriya, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa noqon kara arrin khatar keeni karta oo fiiro gaar ah u leh"

Sharmaarke ayaa qaba in laga fiirsado arrintan waxa uuna sii raaciyay "Sababta oo ah adeegsiga aan dhamaadka lahayn ee waaxda amniga, waxay noqon doontaa walaac daran haddii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee waqtigeedu dhammaaday ay isku daydo inay heshiis noocaas ah ku saxiixato Addis Ababa".

Heshiiska amni ee saddex geesoodka ah una dhaxeeya dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eratariya ayaa horay dhaliillo iyo walaacba looga muujiyay, madaxweynaha qatigiisu dhammaaday ee Soomaaliya Farmaajo, Ra'iisulwasaaraha muddo kororsiga sameeyay ee dagaalka ku qaaday gobol kamida dalkiisa ee Itoobiya Abiy iyo Madaxweynaha keligii taliyaha ah ee Eratariya ayaa wada galay heshiis hoose oo iskaashi ah una dhaxeeya saddexda waddan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.