Barnaamijka Gurmadka Degdega ah ee Abaaraha oo la daah furay

Khatarta gaajada ka jirta guud ahaan qaaradda Afrika ayaa ah mid aad u daran, iyadoo aad looga deyrinayo xaaladda dadka abaaruhu ku wax-yeelleeyeen Soomaaliya.

News Keydmedia Online
Barnaamijka Gurmadka Degdega ah ee Abaaraha oo la daah furay

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan gurmadka abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa maanta daah furay Barnaamijka Gurmadka Degdega ah ee looga jawaabayo abaaraha dalka ka taagan.

Barnaamijka oo ay iska kaashadeen Hay’adaha Qaramada Midoobay ee International Organization for Migration [IOM], Hay’adda Cunnada Adduunka WFP iyo UNICEF, isla-markaana ay maalgelisay Dawlada Ingiriiska.

Dhowrkaan hay'adood oo Qaramada Midoobay ah ayaa tijaabinaya Xirmada Jawaabta Ugu Yar (MRP) si ay uga hortagaan macluusha iyaga oo wax ka qabanaya baahiyaha ugu daran ee dadka abaaruhu barakiciyeen.

Ergayga ayaa munaasabadda furitaanka u mahadceliyey Dawladda Ingiriiska, isagoo xusay in Dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xiriirinta iyo fududeeynta gargaarka lagu taakulaynayo dadka ay abaaruhu wax-yeeleeyeen.

Wuxuu kaloo ergeyga ka mahadceliyey jawaabta degdeg aha ee ay dawladaha deeqaha bixiya iyo kuwa Qaramada Midoobay ka baxiyeen qayladhaantii ergayga, kaasoo tan iyo markii uu Madaxweynuhu magacaabay dadaal xooggan galiyay gurmadka abaaraha.

Hindisaha MRP waxaa wada jir u hogaaminaya Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP), iyo Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF) kuwaas oo la shaqeynaya hawl-wadaagayaal kale, oo ay ku jiraan NGO-yada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

ku dhawaad 8 milyan oo Soomaali ah (in ku dhow 50 boqolkiiba dadweynaha) ay hadda wajahayaan xaalad abaareed oo halis ah, 3.5 milyan oo ka mid ah dadkaas waxa ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah, si looga hor tago in xaaladdu isku baddesho macluul.

Sidoo kale, in ka badan 860,000 ayay abaar awgeed uga barakaceen guryahooda, una baahan yihiin hoy, cunto, biyo iyo adeegyo caafimaad oo degdeg ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
News 30 June 2022 22:08

Kenya hosts the largest Somali community in the region that has heavily invested in Nairobi with nearly half-million refugees had been living in Dadaab, the world’s biggest refugee camp in the world since 1992.