CCW oo markii ugu horreysay ka hadlay dagaalka Guriceel

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa hoggaanka Kooxda ASWJ, ugu baaqay in ay joojiyaan ciidamada ay dib u yagleelayaan iyo kala dhantaalka ay ku samaynayaan awooddii iyo ciidamadii Galmudug.

Warar Keydmedia Online
CCW oo markii ugu horreysay ka hadlay dagaalka Guriceel

MUQDISHO, Soomaaliya – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaalka maalintii 3-aad galay ee ka socda Guriceel, wuxuuna nasiibdarro wayn ku tilmaamay in dadaallo badan oo sida uu sheegay uu qeyb ka ahaa xalna lagu raadinayay ay guuldareysteen.

CC Warsame, oo ka mid ah siyaasiyiinta miisaanka culus ee degaan doorashadoodu tahay Guriceel, ayaa sheegay in midnimada, wadajirka iyo jiritaanka Galmudug ay tahay lama taabtaan, wuxuuna soo saaray baaq saddex qodob ah.

Hoggaamiyaha Wadajir, wuxuu ku baaqay in si degdeg loo joojiyo dagaalka Guriceel, isla-markaana maydka la aaso, dhaawacana la daweeyo, dadka barakacayna guryahooda lagu soo celiyo, si dhibaatadu intaan ugu ekaato.

Wuxuu koox diimeedka hubeysan ee Ahlu-sunna, ugu baaqay, in ay aqbasho sharciyadda iyo hoggaanka hay’adaha dastuuriga ee Galmudug, wuxuuna u jeediyay in ay joojiyaan, kursi qori ku doonka, iyo duullaanka ay ku yihiin degaannada nabadda ah iyo nidaamka dowladnimada.

“Waa in ay joojiyaan ciidamada ay dib u yagleeleen iyo kala dhantaalka ay ku samaynayaan  awooddii iyo ciidamadii Galmudug. Hankooda siyaasadeed waa inay waddo nabad ah ku raadiyaan, la dirirka Al-Shabaab-na ay noqoto mid hoos timaadda, qaybna ka ah awoodda midaysan ee ciidamada Galmudug, saxna maha in jabhad hubaysan laga garab furo  ciidamada Galmudug”. Ayuu yiri Warsame.

Hoggaanka Dawladda Galmudug, ayuu ugu baaqay, “in ay nabadgelyo buuxda siiyaan hoggaanka iyo xubnaha Ahlusunna, abuuraanna jawi iyo kalsooni cid kasta oo aan Al- Shabaab ahayn ay si xorriyad leh hankooda siyaasadeed nabad  ugu raadsan karaan , uguna baratami karaan si waafaqsan sharciyada iyo nidaamka ay reer Galmudug heshiiska ku yihiin”.

Cabdiraxmaan, wuxuu hoosta ka xariiyay in ay waajib tahay in dalka laga ilaaliyo, awoood hubaysan oo sharciyadda iyo dawladnimada la loollanta.

Dagaalka Guriceel, ayaa galay maalintii saddexaad waxaana ka dhashay khasaare xooggan, dowladda ayaana ciidamo u daabushay Dhuusamareeb, si ay ugu xoojiso CXD ee hadda ka dagaallamaya waqooyi-bari, Guriceel.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.