CCWarsame: “Waxay indhuhu hayaan Madaxda xilkoodu dhamaaday”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa Madaxda Dowladda Fadaraalka ee mudadu ka dhamaatay iyo hoggaamiyayaasha Maamul goboleedyada kula taliyay in ay ka toosaan dhaldhalaalka muddada kooban jiraya, lana dhamaanaya inta ay xukanka hayaan.

Warar Keydmedia Online
CCWarsame: “Waxay indhuhu hayaan Madaxda xilkoodu dhamaaday”

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa Madaxda Fadaraalka ee waqtigu ka dhmaaday, ugu baaqay in ay is gartaan, dhaldhalaalka u muuqdana ogaadaan inuu yahay dhalanteed dhamaanaya.

Warsame, wuxuu sheegay in xilliyada lagu jiro xaaladaha adag la barto hoggaamiyayaasha rasmiga ah, wuxuuna xusay in maanta la eegayo kuwa hor boodaya siyaasadda dalka.

“Xaaladaha adag waxay soo saaraan dunta shakhsiyaadka xukunka iyo talada haya. Maanta waxay indhuhu hayaan Madaxda Federaalka ee xilkoodu dhamaaday iyo Dawlad Goboleedyada”.  Ayuu yiri Warsame

CCWarsame, wuxuu tilmaamay in “ Xukunku uu labo dhedhan leeyahay, Maqaam iyo maamuus, wuxuu kaloo leeyahay in aad raad reebto oo magacaaga diiwaanka taariikhda togan la geliyo”.

Madaxda Fadaraalka ee waqtigu ka dhamaaday iyo Madaxweynayaasha maamul goboleeyada ayuu sheegay in loo baahan yahay in ay magac ka tagaan oo dalka u reebaan  dhaxal la xariira maareynta xilliga kala guurka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].