CC Warsame: Farmaaajo waa Hoggaamiye Kooxeed

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa si adag uga hadlay xaaladda guud ee siyaasadda dalka gaar ahaan muddo kordhinta, loo sameeyay Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
CC Warsame: Farmaaajo waa Hoggaamiye Kooxeed

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warasame, oo dhawaan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa Farmaajo iyo kooxdiisa ku eedeeyay in ay dalka galiyeen go’doon siyaasadeed, adduun weynahana ay ka doorteen Eritrea iyo kalitaliska hoggaamiya ee Isaias Afwerki.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, oo u muuqday inuu ka rajo dhigay in dalku u dareero doorasho la isla oggol yahay ayaa sheegay in uu boorarkiisii ka soo fujistay laamiga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in wixii hadda ka danbeeya aysan shacabku isku hallayn Musharixiinta oo ay kalitaliska ka hor tagaan.

Warsame, wuxuu sheegay in Farmaajo uu Afar sano oo kalitalisnimo ah kadib uu u diga rogtay Hoggaamiye Kooxeednimo, kaliya waxa uu ku tashanayana ay tahay taageero uu ka helo qabiilkiisa, wuxuuna xusay in reer Muqdisho yaqaanaan sida qab-qable iyo dagaal ooge la isaga qabto.

CC Warsame, wuxu xusay in Farmaajo kala diray ciidankii qaranka oo taladoodii lagu soo aruuriyay afar nin oo kaliya, taas oo sababtay ka firxad ka dhex dhacay ciidamada oo baxsadkoodu uu gaaray Puntland ilaa Soomlaailand.

Dadka la jooga ayuu baaqay in ay in ka baxaan garabkisa, Maamullada taageeray muddo kordhinta ayuu sheegay in waddo qaldan qaadeen, wuxuuna ka digay in ciqaabta Farmaajo mudan doono ay ka fogaadan, Guudlaawe iyo Lafta-gareen.

“Farmaajo iyo adduunka waa is wajahayaan, Farmaajo iyo Soomaalina waa is wajahayaan, waxaan rabaa in aan idiin sheego, wax musharraxnimo la dhaho waa dhamaatay, cid musharrax oo in ay Farmaajo idinka difaacaan aad ku halayneysan ma jirto, ee arrintaan u wada istaaga, oo ha deynina mushrixiin kaliya”. ayuu yiri Warsame.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.