CCW oo Farmaajo ku eedeeyay aqoon darro iyo cadowtinnimo

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa si xooggan kaga falceliyey khudbadii uu xalay jeediyey Farmaajo ee ku aadaneed guusha uu qaranku ka gaaray dhiggiisa Kenya.

Warar Keydmedia Online
CCW oo Farmaajo ku eedeeyay aqoon darro iyo cadowtinnimo

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa Madaxweynihii muddadu ka dhamaatay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ku eedeeyay inuu isku dayayo inuu mugdi galiyo Is-afgaradkii 2009-kii (MoU), kaas oo dad badan rumeysan yihiin inuu door fiican ka ciyaaray dadaalladii lagu badbaadinayay badda.

Warsame, wuxuu sheegay in Farmaajo uusan ka sugeyn, inuu qiro kaalintii uu ku lahaa guusha kiiska badda, waa sida uu hadalka u dhigaye, hayeeshee, wuxuu layaab ku tilmaamay marin-habaabin hor leh oo xaafiiska Farmaajo billabay.

“Kama filaynin nin gurigeyga igu soo weeraray in uu qiro kaalintii aan guusha dacwadda kulahaa, laakiin waxaan la yaabay in isaga iyo CBB-da xaafiiskiisa ay weli isku deyayaan in ay mugdi geliyaan Is-afgaradkii 2009-kii la saxiixay”. Ayuu yiri CC Warsame.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, wuxuu ku dooday, in garsoorihii Maxkamadda, qareennadii ajnabagi ahaa iyo kuwii Soomaalida ahaa ay qireen in is-afgaradku uu lafdhabar u ahaa badbaadinta badda Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay inuu kala garan waayay, labo arrimood, oo middood ay Farmaajo ku qasabtay inuu xilligaan mugdi galiyo MoU, waana “aqoon darri ama cadowtinnimo”, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Cabdiraxmaan, wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta sida weyn ugu dabbaal-degay guusha badda, maadaama uu yahay saxiixiyihii MoU, kaas oo ahaa is-afgarad lala galay Kenya 2009, isla-markaana uu mugdi badan ku hareereysnaa in muddo ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.