CC Warsame: “Seddax tallaabo ayaa Farmaajo iyo dadka kala badbaadin karta”

Siyaasiga mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ku baaqay in ganacsatada Gobolka Banaadir, joojiyaan bixinta Canshuurta, maadaama ay soo xirmeen ilihii kale ee Farmaajo ka heli jiray dhaqaalaha.

Warar Keydmedia Online
CC Warsame: “Seddax tallaabo ayaa Farmaajo iyo dadka kala badbaadin karta”

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiya xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in loo baahan yahay helidda saddex tallaabo, si dadka reer Muqdisho iyo Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u kala badbaadaan.

Warsame, oo shalay hadal kooban ka jeediyay shirkii beelweynta Hawiye ayaa sheegay  in ay waajib tahay iska qabashada dhibka hadda taagan, si looga baaqsado mid kasii weyn oo soo socda.

Waddoonka lama huraanka ah in la maro si looga hor istaago damaca Farmaajo, ayuu ku tilmaamay saddex tallaabo oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah;

  1. In ganacsatada gobolka Banaadir joojiyaan bixinta Canshuurta, maadaama Farmaajo kaliya isha dhaqaale ee uu tashanayo ay tahay.
  2. In Ciidanku runta u sheegaan, kana fogaadaan siyaasadda, diidaanna sharci darrada, iyagoo muujinaya gadood ka dhan ah Farmaajo.
  3. In Raysalwasaaraha, iyo Madaxweynayaasha, Galmudug iyo Hirashabele ay muddo kororsiga ka hor yimaadaan.

Dhamaan beel weynta Hawiye, ayaa shalay si xooggan u cabiray dareenkooda, waxayna ka soo hor jeesteen muddo kororsiga uu sameysatay Farmaajo, oo waqtigiisii sharciga ahaa ku ekaa 8 Febaraayo 2021.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].