Cidda leh lacagtii lagu qabatay Garoonka diyaaradaha oo la ogaaday

Saabiriin Cabduqaadir Isxaaq, oo ah ganacsato fadhigeedu yahay magaalada Nayroobe ee dalka Kenya ayaa sheegatay lacagtii uu boolisku ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Cidda leh lacagtii lagu qabatay Garoonka diyaaradaha oo la ogaaday

MUQDISHO, Soomaaliya – Wararka laga helayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ee  magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in la ogaaday cidda leh, lacag  fara badan oo doolarka Mareykanka ah oo shalay Ciidanku qabteen.

Sida ay wararku tibaaxayaan, waxaa lacagtaan sheegtay gabar ganacsato ah oo lagu magaacabo Saabiriin Cabduqaadir Isxaaq, oo fadhigeedu yahay magaalada Nayroobe ee dalka Kenya.

Saabiriin, ayaa ka ganacsata, dahabka, waxayna lacagtaan u soo dhiibtay nin wakiil ka ahaa, kaas oo booliska u caddeeyay in lacagta ay ledahay, gabar ganacsato ah.

Booliska iyo Saabiriin oo shalay qadka taleefanka ku wada hadlay, ayaa isku af gartay in ay la timaaddo caddeyn, waxayna haweyneedaan maanta ka soo gaartay Caasimadda.

Booliska Gobolka Banaadir ayaa ku guda jira xaqiijinta caddeymaha ay la timid Saabiriin, haddi ay lacagta ay lahaato waxaa waxba kama jiraan noqonaya, shaki la xariiray in lacagta loo waday mid ka mid ah dadka mucaaradka muuqda ku ah Dowladda Fadaraalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].