Ciidamada Ammaanka Dhuusamareeb oo howlgal sameeyay

Waxaa xalay howlgal ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayo laga sameeyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Warar Keydmedia Online
Ciidamada Ammaanka Dhuusamareeb oo howlgal sameeyay

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Ciidamada ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay xaafadaha magaalada ka fuliyay howlgal lagula dagaallamayay kooxo burcad ah oo habeenadii lasoo dhaafay dhibaato ku hayay shacabka kunool caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Howlgalkani waxaa hogaaminayay  Taliyaha saldhigga magaalada Dhuusamareeb Gaashaanle Maxamed Mirre Maxamuud, uuna qeyb ka qaadanayay Taliyaha Nabadsugida Caasimadda  Galmudug Gaashaanle Abdishakur Daahir Ducaalle, iyo Taliyaha Birmadka ee Booliiska Caasimada ayaa lagu Baarayay gaadiidka kala duwan ee isticmaala wadooyinka xaafadaha iyo Bartamaha Magaalada Dhuusamareeb.

Amniga caasimadda ayaa sii xumaanayay toddobaadyadii u dambeeyay iyadoo kooxahaasi khal-khalka galinayay amniga ay dhibaato u geysanayeen shacabka ku dhaqan caasimadda, waxaana ciidamada iskaashanayay xalay ay go'aansadeen in si wada jir ah ay u fuliyaan howlgal lagu xaqiijinayo amniga magaalada Dhuusamareeb,

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.