Ciidamada ammaanka ee Soomaaliland oo xabsiga utaxaabay Fannaan da’yar

Maamulka Soomaaliland ayaa xabsiga utaxaabay Fannaan da' yar oo lagu magacaabo Qamar Suugaani, kaasoo maalmahan aad uga soo muuqanayay masraxyada Soomaalida.

Warar Keydmedia Online
Ciidamada ammaanka ee Soomaaliland oo xabsiga utaxaabay Fannaan da’yar

BERBERA - Soomaaliya: Ciidamada ammaanka soomaaliland ayaa xabsiga utaxaabay fannaanka lagu magacaabo Qamar Suugaani, inkastoo ilaa iyo hadda aysan jirin hadal kasoo baxay laamaha amniga oo ku saabsan sababta xariga fannaanka Qamar suugaani haddana waxaa lala xiriirinayaa safar uu dhawaan kaga soo laabtay magaalada muqdisho oo uu bandhig faneed isaga u gaara kasoo muuqday.

Qamar suugaani ayaa markii uu soo gabagabeeyay safarkiisii muqdisho waxa uu usii gudbay magaalada Garoowe halkaasoo safar dhulka ah uu doonayay inuu kaga galo magaalada Hargeysa, waxaana intii uu sii maryay magaalada Berbera lagu qabtay fannaanka, kaddibna waxaa loo taxaabay xabsiga, inta badan fannaaniinta reer Hargeysa ee magaalada muqdisho u aada in ay bandhig faneed kaga qeyb galaan waa la xiraa, waxaana loo maleenayaa xarigan in uu la xiriiro booqashadiisii magaalada Muqdisho.

Xarigga fannaaniinta iyo saxafiyiinta waa isugu mid maamulada ka jira magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho, toddobaad kahor waxaa muqdisho lagu xiray wariye ka howl galayay magaalada muqdisho, sidoo kale gabar saxafiyad ah ayaa iyana la xiray xilli ay ku guda jirtay shaqadeeda warbaahineed, sidoo kale fannaan Qamar Suugaani ayey ciidamadu ka kaxeysteen maanta meel fagaaro ah, iyadoo lagala dagay gaarigii uu saarnaa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.