Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee kumaandoosta DANAB ayaa saakay Howlgallo ka sameeyay deegaanno ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland.
KISMAAYO, Soomaaliya - Ciidamada sida gaarka ah utababaran ee Kumaandoosta DANAB ayaa howlgal ka sameeyay deegaano ka tirsan maamulka Jubbaland kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ay soo galeen kooxda Al-Shabaab.
Howl-galladan ayaa ahaa kuwa ballaaran, waxaan saraakiisha ciidamada Danab ay sheegeen inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanada kala ah: Beer-Xaani, Qudus, Liba-kuus iyo Cabdi Dhoore oo hoostaga magaalada Jamaame ee Jubada Hoose.
Saraakiisha ciidamada ayaa waxay sheegeen inay qabteen 3 xubnood oo ka tirsan kooxda Argagaxisa ee Al-Shabaab.
Ciidamadii horay u yimid deegaankan ayaa isaga cararay iyagoo aan la ogeyn halka ay qabteen, waxaana ciidamada DANAB ay sheegeen in ay baacsan doonaan haraadiga ciidamada baxsadka ah ee meesha isaga cararay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments