Ciidamada dowladda oo howlgal ka sameeyay gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka qeybta 27-aad ayaa howlgal ka fuliyay degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Warar Keydmedia Online
Ciidamada dowladda oo howlgal ka sameeyay gobolka Hiiraan

BUULO BURDE, Soomaaliya - Ciidanka xooggga dalka Qeybta 27-aad ayaa howlgal ballaaran oo lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan.

Deegaanada howgalka laga sameeyay waxaa ka mid ah  Aboorey,  Beero-yabal, Wariirey, Galboocale ilaa Yasooman, kuwaa oo dhammaantood hoostaga degmada Buulo barde ee Gobalkaas.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah kuwa laga fulinayay degaanada maamulka Hirshabeelle oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka socdeen iska horimaadyo udhaxeeya CXD iyo kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xooga dalka General Tareedisho oo Hor kacaya howlgalka ayaa isagoo Warbaahinta Qaranka lahadlayay u sheegay in guulo laga gaaray.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 9 June 2021 15:42

Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.