Meydadka iyo Dhaawaca Al-Shabaab oo lasoo bandhigay

Ciidamada xoogga dalka ayaa soo bandhigay meydadka iyo dhaawaca qaar kamida malleeyshiyaadkii xalay hoobiyeyaasha ku garaacay Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Meydadka iyo Dhaawaca Al-Shabaab oo lasoo bandhigay

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo Maanta warbaahinta kula hadley duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa xaqiijiyay in ay dileen 3 kamida rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo uu kujiro horjoogihii kooxda u qaabilsanaa deegaanada u dhexeeya Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.

Waxaa la soo bandhigey Meydka dagaalayahanada, oo uu kamid yahay horjoogaha oo lagu magacaabi jiray Cabdinaasir, waxaa kale oo goobta la keenay dhaawaca nin kale iyo afar qori oo ay Ciidamadu ka furteen raggan, oo ahaa kuwii xalay hoobiyeyaasha kusoo tuuray xaafado kamid ah Dhuusamareeb.

Howlgalkaan oo ay fuliyeen Ciidamada xoogga Qeybta 21-aad Guutada 15-aad iyo Ciidanka Gor-Gor ayaa lagu soo af-jarey kooxdan Al-Shabaab u qaabilsaneyd deegaanda hoos yimaada  Dhuusamareeb.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.