Ciidamada Galmudug oo howlgallo ka billaabay Dhuusamareeb

Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Galmudu ayaa xalay billaabay howlo lagu sugayo amniga iyadoo ay iska kaashanayaan qeybaha kala duwan ee ciidamada Galmudug

Warar Keydmedia Online
Ciidamada Galmudug oo howlgallo ka billaabay Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Ciidamo isugu jira Booliis iyo Nabadsugid ayaa howlgallo ka fuliyay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Howlgalkan ayaa socday toddobaadyadii waxaana si wada jira u iclaamiyey Wasiirka Amniga Guddaha Galmudug Ahmed Macalim Fiqi iyo Saraakiisha qeybaha kala duwan ee ciidamada ayaa laga sameeyay gudaha caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Intii uu socday howlgalkan ayaa lagu baarayey gaadiidka kala duwan ee isticmaala waddooyinka xaafadaha iyo bartamaha laamiga ee caasimadda Dhuusamareeb. Taliyaha Saldhigga Booliiska ee Dhuusamareeb G/le Maxamed Mire Maxamuud oo howlgalka kaddib warbaahinta kula hadlay gudaha saldhigga ayaa ka warbixiyay shaqada lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda taasoo uu sheegay in ay socotay maalmihii lasoo dhaafay, ayna sii wadi doonaan howlgalka iyaga oo la kaashanaya Hayadda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Qorshahaan amniga lagu sugayo ayaa kusoo beegmaya xilli wasiirka Amniga Galmudug uu Amray saraakiisha qeybaheeda kala duwan uu ku amray in laqaado tallaabo iyo Howlgalo Amniga lagu xaqiijinayo kuwaasi oo laga sameynayo guud ahaan deegaanada Galmudug.

Deegaanada Galmudug ayaa bilihii u dambeeyay waxaa kusoo badanayay falal la xiriira amni xumo, iyadoo falkii ugu dambeeyay uu dhacay xilli ay magaalada Dhuusamareeb ku wada sugan yihiin madaxdii dowladda Soomaaliya iyo madaxdii dowlad goboleedyada xilligaas oo koox ka tirsan Al-Shabaab ay kusoo garaaceen hoobiyeyaal laba jeer.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.