Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya oo ku dagaallamay Hiiraan

Dowladda Itoobiya ayaa baqdin ka qabta askarta Tigray-ga ah.

Warar Keydmedia Online
Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya oo ku dagaallamay Hiiraan

Baladweyne, Soomaaliya - Ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa in uu dagaal dhex-maray, kaasi oo khasaare uu ka dhasay.

Macluumaadka ay Keydmedia Online haleyso ayaa sheegaya in ciidamadan dagaalkooda ayaa yimid kadib markii la sheegay in la beegsaday askartii kasoo jeedday qowmiyadda Tigray-ga, islamarkaana saraakiisha sare ee halkaasi ku sugan ay amreen in hubka laga dhigo.

Dhacdadaan oo dhacday labo maalin kahor ayaa ku dhimatay Labo ka mid ah ciidankii dagaallamay ee Itoobiyaanka ahaa, waxaana jira dhaawac dagaalkaasi ka dhashay.

Ciidamada kasoo jeeda Tigray-ga ayaa sababta loo beegsanayo waxa ay tahay cabsi laga qabo in ay askarta kale dhibaato u geystaan maadaama gobolkoodii dagaal culus ay ku qabtay dowladda federaalka Itoobiya.

Dowladda uu hoggaamiyo Abiy Axmed ayaa shaqadi ka joojisay dhammaan saraakiisha iyo ciidanka kasoo jeeda Tigray-ga wixii ka dambeeyey markii uu bilowday howlgalka gobolka Tigray.

Sidoo kale, waxaa xasaanaddii laga qaaday xildhibaanno Tigray ahaa iyadoo talada dalka laga ilaaliyay cid walbo oo qowmiyaddaasi kasoo jeedda.

Xukuumadda Abiy Axmed ayaan wali xaqiijin warkaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.