DSS: Ciidamada Liyuu Boolis oo barakiciyay qoysas Soomaaliyeed

Dowlada Deegaanka Soomaalida ayaa soohdimo la wadaagta maamullada Soomaaliya sida, Puntland, Galmudug, Hir-shabeelle, Koonfur-galbeed Soomaliya iyo Somaliland.

Warar Keydmedia Online
DSS: Ciidamada Liyuu Boolis oo barakiciyay qoysas Soomaaliyeed

JIGJIGA - Qoysas Soomaaliyeed ayaa ka soo barakacay deegaanno iyo dagmooyin hoos tagga gobolka Shabeelle ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kaddib markii ciidamada Liyuu Boolis ay kasoo bara-kiciyeen goobihii ay deganaayeen.

Waxay sheegeen inay u adkeysan waayeen beegsiga salka ku haaya aano qabiil iyo in lagu waxyeeleeyo shaarka dowladda, taasi oo keentay inay kasoo barakacaan degaannadooda.

Qoysaska ayaa soo gaaray qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan si halkaasi ay uga nabad galaan dhibaatada ay kala soo kulmeen ciidamada Liyuu Boolis. Waxaana halkaa ku heysata xaalad dhanka nolosha ah.

Degaanno hoos tagga Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa ka taagnaa dagaallo salka ku haaya aano qabiil oo galaaftay nolosha dad badan, qaar kalena ay ku dhaawacmeen boqolaal qoysna ay ka barakaceen.

Bilowgii sannadkan Maamulka gobolka Hiiraan ayaa digniin u diray ciidamada Liyuu Boolis, iyaga oo sheegay hadii aanayjoojin dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee ku nool xuduudda u dhaxeysa gobolka Hiiraan iyo dowlad deegaanka Soomalida Itoobiya in ay ka bixin doonaan tallaabo sharci ah.

Bishii March ee sannadkan dowlad deegaanka Soomaalida ayaa casuumaad u fidisay wafdi ka socday dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo uu hor-kacayay madaxweyne ku xigeenka Hir-shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), kulankaas oo ka dhacay degmada feer feer ayaa looga arrinsaday sidii amniga xuduuda labada deegaan wadaagaan iyo iskaashiga.

Dowlada Deegaanka Soomaalida ayaa soohdimo la wadaagta maamullada Soomaaliya sida, Puntland, Galmudug, Hir-shabeelle, Koonfur-galbeed Soomaliya iyo Somaliland.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.