Taaliye Saadaq John oo is hortaagay fadhigii Baarlamanka
Maamulka Madaxwynaha Mareykanka Biden, wuxuu ku dhex jiraa dib u eegis lagu sameynayo muuqaalka militariga Mareykanka ee daafaha dunida, taas oo sababi karta in dib looga laabto go’aankii uu Trump ciidamada Mareykanka kaga saaray Soomaaliya.
WASHINGTON, USA - Go’aakii uu Maamulkii Madaxweyne Donald Trump, ciidamada Mareykanka uga saaray Soomaaliya una geeyay waddamo kale oo ku yaalla Afrika, wuxuu ahaa mid leh hoos u dhac weyn, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Pentagon-ka Khamiistii.
Christopher Maier, oo ah sii hayaha xoghayaha difaaca ee howlaha gaarka ah iyo isku dhaca hooseeya, ayaa sheegay in lagu deg degay go’aankii ciidamada Mareykanka looga saaray Soomaaliya.
Donald Trump ayaa bilihii u danbeeyay ee muddo xileedkiisa amray in dhamaan ciidamada Mareykanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya laga soo saaro, kuwaas oo dalka u joogay in ay caawiyaan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.
In kasta oo la fuliyay amarkii Trump , hadana inta badan ciidammada Mareykanka ee ka tegey Soomaaliya waxaa la geeyay dalalka dariska, sida Kenya iyo Jabuuti waxayna sii wadeen in ay howgallo ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.
Christopher Maier, wuxuu xaqiijiyay in dib loo eegayo go’aankii hore, waxaana la filayaa is badalka siyaasadda arrimaha Dibadda mareykanka ay mar kale qasab ka dhigto in Maliteriga Mareykanka lagu soo celiyo Soomalaaliya.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments