Qarax gaari oo la fashiliyay

Cidamada uu mareykanku tababaray ee kumaandooska Danab ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay ka hor tageen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay kaasoo la doonayay in lagu dhibaateeyo dadka Soomaaliyeed 

Warar Keydmedia Online
Qarax gaari oo la fashiliyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida aan kasoo xiganay saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamda dowladda Soomaaliya, waxaa lagu guuleystay in la burburiyo gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay kaasoo ay kooxda Al-Shabaab soo maleegeen, wararka ayaa waxay sheegayaan in hal ruux oo ka tirsan Al-Shabaab uu ku dhintay Qaraxasi, kaasoo ahaa qofkii waday gaariga Qarxay.

Ciidanka howlgalka fuliyay ee Danab kama aysan hadlin dhankooda in uu soo gaaray khasaare, mana jiro sidoo kale war kasoo baxay ururka Al-Shabaab oo looga hadlay qaraxaan ay sheegeen in ay ka hortageen ciidamada dowladda gaar ahaan kumaandooska Danab ee Mareykanku tababaray.

Gaariga la bartilmaameedsaday ee qaraxa siday ayaa ahaa Gaari SAARUF, waxa uuna ku sugnaa xilliga uu howlgalka dhacayay deegaanka Tooratoorow, oo ah halka laga soo maleego weerarada iyo qaraxyada kooxda Al-Shabaab, ciidamdada ayaa helay xogta gaariga kahor inta uusan gaarin bar-tilmaameedkiisa, waxa ayna ku gubeen isla deegaanka Tooratootow.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 2 August 2021 18:19

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS, Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa ku gacan seyray dalab uu shalay u gudbiyay RW Rooble, wuxuuna soo bandhigay taalooyin xal looga gaari karo muran hareeyay kuraasta Soomaaliland.