Ciidamada XDS oo howlgallo sameeyay

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka shabeelaha hoose.

Warar Keydmedia Online
Ciidamada XDS oo howlgallo sameeyay

AFGOOYE, Soomaaliya - Ciidamada xoogga dalka ayaa maanta howlgallo ka sameeyay deegaanno hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ka mid ah deegaanno ay ciidamada dhawaan ka xoreeyeen Al-Shabaab.

Deegaannada ay ciidamada howlgallada ka fuliyeen ayaa waxaa ka mid ah Xaanshooley, Waraaboole, Doonweyne, Kaxaroow, Buulaloow, Maguurto-Baalgooy iyo Cumar Beerre oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Gobolka Shabeellaha Hoose waxa uu kamid yahay Gobollada ugu amniga xun maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana Gobolkaas ka dhacay weeraro iyo dagaalo geystay khasaaro kala duwan oo dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kooxda Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.