Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay ku qaldameen dad rayid ah oo degan deegaanka Jiira Yaashiin oo ku dhow deegaanka Leego ee gobalka Shabeelaha Hoose.
Rasaas ay ciidamada AMISOM ku fureen dadkaan ayaa la sheegay in ilaa iyo Sagaal ruux ay ku geeriyoodeen halka ay ku dhaawacmeen 12-ruux oo kale.
Dad deegaanka ah ayaa Keydmedia Online u sheegay in dadkaan dhamaantood ay ahaayeen dad shacab ah, oo aanan koox ka tirsanayn.
Ilaa iyo iminka ma jirto faah faahin intaan ka badan oo la xariirta arintaan sidoo kalana kama aysan hadlin ilaa iyo iminka arintaan saraakiisha AMISOM.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments