Ciidamada Barre Hiiraale oo Nolol Xumo ka Cabanaya

Kismaayo(KON)-Sida ay Keydmedia online u sheegeen Saraakiisha Ciidamada Cor.Barre Hiiraale ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa Xaalad Adag xiligaan ay soo foodsaartay.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Barre Hiiraale oo Nolol Xumo ka Cabanaya

Gaashaanle Maxamuud Cali Ilkoole oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Barre Hiiraale ee Kismaayo la geeyay ayaa KON u sheegay in Ciidamada ay Xaalad Nolol Xumo ay soo wajahday islamarkaana aysan haysan Cunto iyo daryeel kale intaba.

“Xero Cidlaa ayaa nala geeyay wax noo yimaada maleh maalintii ugu horeeysay ayaa Baco Raashin noogula keenay,markii Barre baxay ayaa noogu danbeeysay wax noo yimaada,wax nahaysta waa Cuno Xumo iyo Ciidanka oo meesha ku xanuunsaday”ayuu yiri Ilkoole.

Gaashaanle Maxamuud ayaa sheegay in Ciidamada la soo qalday oo ay qarka u saran yhiin hadii aan wax laga qaban Cabashadooda ay Magaalada ka bixi karaan.

Ciidamadaan ayaa ku sugnaa  Magaalada Gobweyn ee Duleedka Magaalada Kismaayo,waxaana Kismaayo la geeyay ka dib Wada Xaajood ay Dowladda Federaalka ay qeyb ka aheyd,iyadoona Barre Hiiraale oo Muqdisho kusugan uu sheegay  in lagu qasbay Wadahadalka Axmed Madoobe.

Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho

 




    Warar 20 September 2020 14:00

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dhawaan shaaciyay inay magaalo kasta oo kamid ah Galmudug loo sameyn doono Golle degaanka, si shacabka ay usoo doortaan hogaamiyaasha ay doonayaan, oo aan dusha looga keenin.